November 20, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Faahfaahin ka soo baxaysa arday lagu toogtey jaamacada Camuud ee Boorama

Wararka aan ka helayno jaamacada Camuud ee magaalada Boorama ayaa sheegaya in halkaasi lagu toogtey wiil arday ah oo sida la sheegay ay toogteen ilaalo ka soo jeeda gobolka Sanaag. Ardaygan ayaa ilaa hadda aan la magacaabin, waxana meydkiisa la geeyay isbitaal ku yaal magaalada.



Warka aan helayno ayaa sheegaya in ardaygan uu imtixaan u fadhiistey saakadii hore isla jaamacada Camuud kadibna uu ku ilaaway moobilkiisa una doontey galabnimada maanta, waana marka dilku lagu fuliyay.

Bulshada ku nool magaalada oo dilal noocana aan u baran ayay ku noqotey anfariir in askari ka jeeda gobolka Sanaag uu magaalada ku toogto arday lagu soo tabcay.



Isbitaalka la geeyay wiilkan aan welli la sheegin magaciisa ayaa dad cadhaysani hor buuxiyeen, waxana wararku sheegayaan in askarigii toogtey durba loo cararay magaalada Hargeysa. ”Waxay diideen inay sheegaan ninka dilka gaystey ayuu yiri Xuseen Warsame.

Jaamacada Camuud ayaa waxa dhigata arday Somaliyeed oo ka timi dhamaan ummada Somaliyeed, lama garanayo in ardaygu yahay reer Awdal iyo inuu ka soo jeedo gobolada kale ee dalka.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS