Waxa maqribkii maanta lagu diley afaafka hore ee Jaamacada Camuud arday dhigan jirey halkaas. Ardaygan ayaa hadda la xaqiijay inuu yahay Ibraahim C/shakuur Ibraahim oo ka soo jeeda maamul goboleedka Butlaan.
Waxa ardayga si badheedha u taagtey sida la xaqiijay askari ka soo jeeda gobolka Sanaag sida ay sheegeen goob joogeyaal, waxana la sheegay inuu jaamacada dib ugu noqday si uu u soo qaato moobilkiisa.
”Waxaan aad u cambaaraynaa dilka loo gaystey ardaygaas yar oo ahaa arday aad u fiican waxbarashadiisana ka adag, oo aan wax dhiba cidna u gaysan ayuu yiri C/qaasim Axmed.
Dilkan ayaa aad looga xanaaqay, waxana la xaqiijay in askariga diley uu ka mid ahaa askar magaalada lagu soo daadgureeyay oo ka soo jeeda beesha ISAAQ gaar ahaan Burco oo ujeedadoodu ahayd calan ilaalin ayuu yiri Cabdi Latif.
”War aroorta magaaladu wada calan buluuya ha noqoto ayuu yiri Samiir Xaashi oo aad uga xanaaqay wararka sheegaya in yarka dharka buluuga ah darkii ciidanka beesha ISAAQ u dileen.
Jaamacada Camuud ayaa iyada laga soo xigtey inay is af-dhaafeen askarigan jaahilka ah ee dilka u quudhey yarka halkii ay ahayd inuu askari kale ugu yeero si xaalada loo dejiyo hadday labadu is af-dhaafeen. Ma sheegin in askarigan la qabtey lana horgeyn doono waalidka yarka uu diley.
Sawirada hoose waa Ibraahim Salaad oo ah ardayda lagu diley Camuud
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS


Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay