November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Dalka Lubnaan oo laga baqayo inuu burburo hadaan laga gaarin

Dalka Lubnaan ayaa qarka u saaran inuu burburo hadaan laga gaarin. Waxa sidaas sheegay raiisal wasaaraha dalkaasi Xasan Diyaab. Waxase hadalka raiisal wasaaraha ka xanaaqay safiirka Faransiiska u fadhiya Lubnaan oo sheegay in lagu qarinayo maamul xumada jirta.



Lubnaan ayaa waxa gacanta ku hayay wahaabiyada Sacuudiga oo ka dhigatey goob ay kala dagaalanto Iiraan laakiinse way ku fashilantey oo waxa ku xoogeystay ururka Xisbullah.

Dhaawacyo farabadan oo soo gaaray dalka iyo musuq maasuq xun oo hareeyay dawladnimada iyo weliba hargabka karoona oo joojiyay dadkii dalxiiska u imaanayay ayaa keenay in dhaqaaluhu burburo.



”Dalku wuu kacayaa hadaan lacag degdega lala soo gaarin ayuu yiri raiisal wasaare Xasan Diyaab. Waxay filayaan in Sacuudiga iyo hay’adda lacagta aduunka ay amaah deg-dega la soo gaaraan.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS