Horjoogaha maamulka Somalilan Muuse Biixci ayaa jeelka ku tuuray afhayaanka beelaha Daarood isagoo u soo maraya xildhibaanada Dhulbahante ee ku jira isla maamulka. Afhayeen C/kariin Cali Nuur ayaa loo dhaadhiciyay jeelka Madheera oo hadda noqday midka lagu guro beelaha Dhulbahante iyo dhalinta Samaroon.
Odayaadha gobolka Sool oo shir jaraaid qabtey ayaa ku hanjabay in nin la xidho uu leeyahay nin loo xidho. ”Adeer Iidoor waa nala joogaa hadaad ninkaa odeygaa sii deyn waydo 24 saac wixii ka dhaca adaa isku gaystey ayuu yiri oday ka mida caaqilada hadlay.
Afhayeenka beelaha Daarood C/kariin Cali Nuur ayaa siyaasiyiinta Dhulbahante ee ku jira maamulka ay ku qoonsadeen hadal uu yiri oo ku faafay baraha bulshada.
”Laascaanood ayaa xadhiga afhayeenka aad looga dareemay waxana odayadu sheegeen in la rabo in la qaso ayuu yiri Xuseen Warsame. ” Waxay hadda socotaa inaan lays dhexmarin maalin dhaweyd waxa Camuud lagu diley wiil arday ah ayuu raaciyay caaqil kale oo hadlay.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay