November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Uhuru oo ku xigeenkiisa Ruto u diidey inuu safro

Waxa aad u xumaaday xiriirka u dhexeeya madaxweynaha Kiiniya iyo ku xigeenkiisa kadib markii Uhuru u diidey Ruto inuu socdaalo. Waxa lagu arkay garoonka diyaaradaha ee Nayroobi Ruto oo fadhiya.



Kadibna waxa ku baxay saraakiisha madaarka oo u sheegay inuu fasax ka soo qaato dawlada inta aanu tegin halka uu u socdo. Ruto ayaa rabay inuu tago dalkaasi Yugaandha oo xiriir wanaagsani kala dhaxayn Kiiniya.

Afhayeen u hadlay Ruto ayaa sheegay in Ruto loo diidey inuu safro Isniintii ayadoo ujeedada safarku ahaa mid ganacsi oo kui saabsan beerista khudaarta casriga laakiin ay nasiib daro tahay inu Uhuru farogelinayo safarada gaarka ah.



”Safarkayagu wuxuu ahaa inaan tagno Taansaaniya waxase naloo sheegay inaan fasax soo qaadano waxaanan rabnay isla maalintaasba inaan ku soo noqono Yugaandha.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS