November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Madaxweynaha oo soo af-jaray xiisadii ay abuurtey kooxda XALANE

Madaxweynaha Somaliya ayaa kulan ay yeesheen isaga iyo raiisal wasaaraha wadada ka dhacay iyo masuuliyiinta barlamaanka ayaa waxa lagu xaliyay sidan soo socota.



Madaxweynaha oo amaanay taliyaha sirdoonka qaranka Fahad Yaasin

1. Madaxweynaha wuxuu aqbalay istiqaalada uu usoo gudbiyay Agaasimahaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (HNSQ) Mudane Fahad Yaasiin, isagoo ku bogaadiyay shaqadii wanaagsanayd ee uu ka qabtay dib u habeynta Hay’adda.

2. Madaxweynaha Farmaajo ayaa u magacaabay Gaashaanle Sare Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud, oo haatan ah Taliyaha Nabad Sugidda ee Gobolka Banaadir, in uu si kumeel gaar ah u hoggaamiyo Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka inta laga soo magacaabayo taliye cusub oo ku yimaada hab waafaqsan sharciga iyo Dastuurka KMG ee dalka.

3. Madaxweynaha ayaa u magacaabay Mudane Cabdisaciid Muuse Cali inuu noqdo Agaasimahga Guud ee Madaxtooyada Qaranka, waxa uuna ku ammaanay shaqada hufan ee uu kasoo qabtay taabbo-gelinta siyaasadda Amniga Qaranka.



Madaxweynaha oo dalacsiiyay taliyihii hore ee sirdoonka Fahad Yaasiin

Madaxweynaha ayaa sidoo kale u magacaabay Mudane Fahad Yaasiin Xilka La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu isugu eerayaa kulan ay yeelanayaan Guddiga Amniga Qaranka 18ka Sebteembar 2021, si Guddiga looga horjeediyo warbixinta laga dalbaday Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.



Isku soo dhawaanshaha madaxweynaha iyo raiisal wasaaraha uu magacaabay ayaa timi markii kooxda XALANE ay banaanka is keentay maadaama ay iyagu ka dambeeyeen qaska jiray maalmahan.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS