29/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Khasaare ka dhashay ceel biyood soo dumay gobolka Galguduud

Wararka laga helayo deegaan ka mida gobolka Galguduud ayaa sheegaya in ceel biyood soo dumey uu ka dhashay khasaare balaadhan. Ceel biyoodkan ayaa si khatar gelinaysa dadka loo qoday.



Dadka deegaanka ee Goola-goola ee mashaqadan ka dhacday oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in sadex qof u dhinteen kadib markii ceelku ku soo dumay iyagoo ku jira gudaha.



Waxa lagu guulaystey in meydka laga soo saaro rafaad kadib. Maaha markii ugu horeysay ee dad gobolkaasi ugu dhintaan ceel sidana ayadoo hore ay jireen caruur iyaguna ku dhintey barkado ay ku dhaceen.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS