22/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Xildhibaan ka tirsan aqalka labaad ee Maraykanka kana soo jeeda Yuhuuda oo diidey heshiiskii Obama la galay Iiraan

Xildhibaan ka tirsan xisbiga Obama oo ka soo jeeda Yuhuuda ayaa ka hor yimi heshiiska uu Obama la galay Iiraan ee ku saabsan sidii loo xanibi lahaa in dalkaasi samaysto hubka khatarta ah ee Nukliyeerka. Xildhibaan Chuck Schumer oo loo doortey aqalka sare ee Maraykanka ee loo yaqaan Sinatka ayaa sheegay markuu arkey xaalada dhinacwalbana ka fiiriyay uu go’aansadey in uu ka soo horjeedsado heshiiska.

Chuck Schumer ayaa Yuhuudu ku cadaadisey in uu ka soo horjeedsado heshiiska wuxuuse sheegay in aanu lahayn awood uu cidkasta kaga dhadhiciyo in ay bedelaan fikirkooda ku aadan heshiiska Iiraan iyo Maraykanka.

Ilaa 12 Yuhuuda ku jirta xisbiga Obama oo dhamaantod ah xildhibaano ayaa iyagu diidey heshiiska Obama waxase Chuck Schumer ahaa ninka ugu weyn Yuhuuda ku jirta xisbiga Obama waxana la filayaa in uu noqdo hogaamiyaha xisbiga Obama.

Barlamaanka Maraykanka ayaa la filayaa in ay u codeeyaan bisha soo socota heshiiska dhexmaray Iiraan iyo Maraykanka oo ay ku diidi karaan kaliya marka barlamaanka loo qaybiya sadex meelood laba ahaan taas oo aan dhacayn.

Obama ayaa isagu sheegay in uu ka xunyahay fikirka Chuck Schumer laakiin uu sheegay in dunidoo dhan raacsan tahay heshiiska aan ka ahayn Israaiil. Obama ayaa shegay in barlamaanku ansixiyaan heshiiska haddi kale ay dooranayaan dagaal.

Waxaase la filayaa in Obama ku guuleysto in heshiiskan ay meel mariyaan barlamaanka Maraykanku iyadoo ayna Jirin wado kale oo furan haddii kale Obama saari karo codka diidmada haddii barlamaanku u bato in cunaqabataynta lagu hayo Iiraan.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS.COM