Wararka ka imanaya gobolka shabeelaha hoose caasimadiisa Marka ayaa sheegaya in dagaal xun uu ka qarxay magaalada saakadii hore e manta iyadoo dagaalklani bilowdey shalay maqribkii hadana saaka dib uga qarxay. Dagaalka ayaa wuxuu ka dhacay Xaafada loo yaqaan waa Cunaynaa waa cabaynaa ee ku taallo Duleedka Magaalada Marka, waxaana ku dhintay qaar ka mid ah maleeshiyaadka dirirta ay dhexmartay.
Inta la xaqiijiyay saddex ka mid ah dhinacyadii dagaalamay ayaa ku geeriyooday dagaalkaasi, iyadoo macquul ay tahay in khasaaraha intaasi uu ka bato.
Xaafadaan lagu dagaalamay ayaa waxa ay xigtaa dhanka wadada aada Buufoow Bacaad ee Magaalada Marka ka baxda, dagaalka khasaaraha ka dhashay wuxuu dhacay shalay maqribkii, iyadoo saaka lasoo sheegaayo in dadka ay maqlayaan rasaas teel teel ah.
Qof ku sugan Magaalada Marka ayaa saxaafada u sheegay inay jiraan dhaawacyo ka dhashay dagaalka oo labada dhinac soo kala gaaray, kuwaasi oo lagu daaweynaayo xaafadaha ay kala joogaan labada maleeshiyo beeleed ee dagaalka dhexmaray.
Nin Nabadoon ah oo Magaalada Marka jooga ayaa sheegay in saaka Xaafada Waa Cunaynaa Waa cabeynaa ee duleedka Magaalada Marka laga maqlaayo rasaas goos goos ah oo ay isweydaarsanayaan labada maleeshiyo beeleed ee halkaasi isku hor fadhida.
Xaalada Magaalada Marka ayaa kacsan, waxaana la sheegayaa inay socoto hub uruursi ay wadaan dhinacyada dagaalka uu u dhaxeeyo.
Sababta dagaalkan ayaa lagu sheegay in nin lagu diley magaalada taas oo keentay in qabiilkiisii u aargudaan dhiig kalana sii daato.
C/llaahi Warmoge
ARAABINEWS.COM
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay