Falaagada Tigreega ee sida xun loo edbiyay ayaa dhuumalaysi iyo dagaal ku dhifoo ka carara ku soo gashay magaalada Komkolji ee gobolka Axmaarada kadibna xasuuqday 100 dhalinyara oo sida la sheegay meel ku ciyaarayay.
Ciidanka Itoobiya oo aan si aada u joogin gobolada Axmaarada iyo magaalooyinka ayaa wacad ku martey inay raadsan doonto dhiigmiiratada falkaan ku kacay.
Raiisal wasaare Cabi Axmed ayaa ku baaqay in qowmiyad kasta is ilaaliso oo iska difaacdo wasakhdan dhiigmiiratada. Kooxdan oo aan awood u lahayn inay dagaal toosa la gasho ciidanka Itoobiya ayaa kolba beegsanaysa degmooyin cidla oo ayna joogin wax ciidana.
Xasuuqan Tigreegu ku kacay ayaan dhalinta loo kala eegin ee si wadara loo beegsaday. Komkolja ayaa saaran wadada laamiga ah ee tagta gobolka Tigreega. Waxay dhowr mar sheegteen inay qabsadeen oo ay uga jeedaan inaanay jirin askar difaacda.
Waxay hore u sii qaateen intii ay ka gaari karayeen kadibna waxay dib u galeen buuraha iyo jiqda ku hareersan magaalada.
Xasuuqa Tigreegu kula kacay dad shacaba oo Axmaaro ahaan loo diley ayaa ka xanaajiyay qoomiyadaha kale ee Itoobiya, waxana dhici karta in la ugaarsado wixii Tigree ah. ”Waxaan ka digayaa in dad shiciba la dilo ee keliya aan eryano kuwa inagu dhexjira ee cadowga la shaqeeya ayuu yiri Cabi Axmed.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay