X

Aabaha dhalay Caasha Ilyaas oo ka hadley xukunka dhacay iyo waxa ku kalifay inay Gaalkacayo ka guuraan

Waxa mar sii horeysay magaalada Garoowe maxkamad xukun ku ridey raggii diley ee kufsaday Caasha Ilyaas oo ahayd gabadh aad u yar kadibna jirkeeda la jarjaray lana soo hordhigey gurigii ay deganayd magaalada Gaalkacayo.


p style=”text-align: justify;”>Hadaba aabo Ilyaas oo ka hadley xukunka dhacay ayaa saxaafada uga waramay sida uu ugu faraxsan yahay sida wax u dhaceen maanta.

Aabo Ilyaas ayaa yiri” Cadaalad ayaan Sugayey  Waan Filayey inuu Kiisku ku dhammaan doono si wanaagsan, Waxaa la Xukumay  Saddex Nin oo Laba Walaalo ay yihiin  iyo Nin deris nala ahaa,  Tuhun iigama Jirin inay dambiga galeen way ku Cadayd, Waxaanan maamulka ka Filayey inay Tallaabo Qaadi doonto waana ku mahad-sanyihiin.“


Dhinaca kale wuxuu ka hadlay Sababta Xaaskiisa iyo Caruurtiisu ay Uga guureen magaalada Gaalkacyo, iyagoo hada ku sugan magaalada Wardheer, ayaa ku jawaabay inay Gabdho kale u joogaan, Islamarkaana ay Xaaskiisu welwel ka Qaaday Gaalkacyo iyadoo dadkii dhibka u gaystay ay daris la ahaayeen, Hadana Caruurta kale Hadii Suuqa loo diro ay Welwel ka Qabayso.


p style=”text-align: justify;”>Mar wax laga waydiiyey inuu Cadaadis iyo Culays  la kulmay ayuu sheegay inaanu wax dhib ah la kulmin, Islamarkaana uu isku Kalsoon yahay.

Hoos ka daawo

C/llashi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.