X

Faahfaahin ka soo baxaysa qarax lagu diley injineer Turkiya Muqdisho

Warar dheeraada ayaa ka soo baxaya qarax ka dhacay magaalada Muqdisho ee hoy u noqotey argagixisada dhiigmiiratada ee shabaab iyo daacish la baxay. Qaraxan oo ahaa nooca gawaadhida lagu xidho ayaa hadda la sheegay in lagu diley nin Turkiya.

Turkida ayaa ka mida kuwa qaybo badan oo magaalada ka wada dib u dhis dhinaca kalana kaba dhaqaalaha dawlada ficiifka ah ee markasta loo hanjabo.

Qaraxa gaariga argagixisadu ku xirtey ayaa waxa ninka Turkiga la dhaawacmey ninkale oo Soomaali ah. Dadaal ay sameeyeen laamaha amniga e dawlada dhexe ayaa baryahan u diidey argagixisada ibay fuliyaan xasuuqyo ay u gaystaan shacabka magaalada Muqdisho oo diidey inay iska dul qaadaan argagixisada.

C/llaahi Wrmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.