November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Aabaha dhalay ilmaha yar ee baddu soo tuftey oo ka hadlay dhacdada laga murugoodey

Aabaha dhalay ilmaha yar ee baddu soo tuftey ee aduunka dhan ka murugooday ayaa marki ugu horeysay ka hadlay dhacdada foosha xun ee ilmahan u dhintey isagoo hadda sheegay in laba ilmood oo uu lahaa ay ku dhinteen gacmahiisa. Wuxuu sheegay in uu badbaadin kari waayay oo ninkii doonta waday ka booday iyaguna goobta ku qaraqmeen.

Wuxuu yiri waan xasuustaa markii ninka mukhalaska ahaa fuushiiyay doonta waxa timi doon mowjad wayn ninkiina goobtii ayuu ka booday kadibna waxa ka dabatimi mawjad kale o qalibtey doonta caruurteyduna waxay ku dhinteen gacmahayga.

Aabahan ayaa dhacdadan uga waramay saxaafada caalamka sheegayna in laga qaatay shan kun oo doolar si loo geeyo caruurta iyo hooyadood oo iyadna la dhimatay dalalka Jarmalka ama Sweden.

Mar waxa laga waydiiyay caruurtiisa ayuu sheegay ma qof waxa jira caruurtiisu aanay u qaalisanayn maalin walba ayay ila ciyaari jireen ayuu Aylan.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS.COM