X

Aabaha wiil Somali ah oo booliiska Maraykanku si toosa u toogtey oo hadlay

Waxa habeenimadii Arbacada magaalada Miniyaabolis lagu diley wiil Somali ah oo lagu magacaabo Doolaal Bayle. Booliiska magaalada ayaa si toosa u diley markii ay rasaas ku fureen. Muuqaal ay sii daayeen ayaa lagu arkey Doolaal oo la tooganayo.


Muuqaalka booliisku sii daayeen ayaa lagu arkey Doolaal oo wata gaari cad oo isku dayaaya inuu goobta ka baxsado iyo booliis ka degaya gaadhi oo qaylinaya oo leh booliis joogso iyo gacmaha taag.

Kadibna waa lagu xirey gaadhigiisa laba gaadhi oo kale taas oo Doolaal u diidey inuu sii dhaqaaqo, halkaas kuma deyne waxay ku fureen rasaas xad dhaafa oo dishey Doolaal.


Waxay sheegeen in Doolaal marka hore rasaas ku furey iyaga oo ay heleen qorigii uu isticmaaly taas oo aan la xaqiijin karin.

”Marka Doolaal lagu xirey gaadhiga booliiska waxay awoodeen inay si nabada ku afjaraan xaalada waxayse go,aansadeen inay toogtaan ayuu yiri aabaha dhalay Bayle Geele oo dalbaday inuu helo cadaalad.


Wuxuu kaloo Bayle Geelle ka hadlay booliis argagixis ku sameeyay gurigiisa oo ay joogeen ilma yar ”Ka waran adigoo gurigaaga lagu argagixiyay isla kuwii diley wiilkaagana kuu yimaadaan ayuu yiri Bayle. Mar la weydiiyay in Bayle gurigiisa loo direy soo qabasho ayaa taliyaha booliisku sheegay inaanu ogeyn warkaas.


Si kastaba ha ahaatee booliiska ayaa sheegay inay haweenay la socotey Doolaal xilliga la tooganayay oo dembiga looga shikisanaa uu ahaa dembi qafiifa sida tuugo. Booliska Marakanka oo cunsuriyad lagu yaqaano ayaa fuliyay dilal toosa ayadoo ayna jirin cadaalad ay helaan madowga la dilo.

”Waa nin dameeri dishey ka soo qaad ayuu yiri Xuseen Warsame oo la socday dhacdadan iyo kuwa kale.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.