X

Saynisyahano Turki ah oo sameeyay qalab degdeg lagu ogaanayo hargabka

Saynisyahano Turkiya aya ku guulaystey inay sameeyaan qalab in ka yar 10 daqiiqo ah lagu ogaanayo cudurka Karoona ee kala xidhey aduunka intiisa badan. Wadamada sida aadka uu u haleelay ah ayaa ah kuwa reer galbeedka ilaa haddana ku guulaysan waayay inay yareeyaan.


”Qalabkan wuxuu si degdega u sheegayaa joogitaanka caabuqa isagoo bixinaya signal ama iftiin ayuu yiri Caytan Seyman oo ah madaxa baarista ee NANO. Wadamada reer galbeedka ayaa lagu garaacay soo saarista qalabka iyo daawada fududeyn karta ka hortagida hargabka.

Daawada hadda suuqa ku jirta ayaa waxa soo saaray shirkad ay leeyihiin shirkad ay leeyihin qoys Turki ah oo iyagu ku nool dalkaasi Jarmalka.


”Bukaanku wuxuu natiijada haada ku oganayaa muddo ka yar 10 daqiiqo laakiin haday tahay MAYA waxay qaadanaysaa ilaa 20 daqiiqo ayuu raaciyay.

Saynisyahanadan ayaa hadda rajaynayaa in Turkigu saxiixa ku duugo ogolanshahan qalabkan.

Rashid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.