X

Aabihii Nukliyeerka Bakistaan oo isbitaal loola cararay

Aabihii nukliyeerka Bakistaan Cabdulkhadiir Khaan ayaa lola cararay isbitalal milatariga Bakistaan leeyahay. Cabdulkhadiir ayaa 70-naadkii wax ka soo bartey dalkaasi Jarmalka halkaas oo aakhirkii uu ka soo xaday khidada nukliyeerka.


Barnaamijka Nukliyerka Bakistaan ayaa waxa la dhamaystirey horaantii 80-naadkii waxay Bakistaan tijaabisay mid ka mida hubkaasi sanadii 1998 kadib markii Hindiya qarxisay midka ka mida hubkeeda.

Barnaamijkan oo adduunka gaalada u yaqaanaan Nukliyeerka Islaamka ayaa ka cabaadiyay gaalada, waxayse sharaf u yeeshay Bakistaan iyo weliba dunida Muslimka ee ka faaiideysan doona.


Cabdulkhadiir Khaan ayaa muddo dheer ku jirey xabsi guri asagoo lagu helay inuu khidada nukliyeerka u gudbiyay Woqooyiga Kuuriya. Bakistaan ayaa ku bedelatay khidadaas inay hesho gantaalo qaada hubkeeda.


Inkastoo hadda ay haysato gantaalo ku filan oo gaaray Hindiya haddana ma gaaraan Maraykanka iyo wadamada kale. Waxayna ku jirtaa sidii ay u gaarsiin lahayd.

Masuuliyiinta isbitaalka milatariga ayaa sheegay in loo shakisan yahay hargabka Karoonka laakiin sida kale xaaladiisu ay degan tahay.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.