X

Aabo dalbadey in wiilkiisa oo gacanku dhiigle ah laga guto waajibka diiniga ah

Waxa deegaan hoostaga gobolka Togdheer lagu diley Allaha u naxariistee gabadh lagu magacaabo Hodan Siciid Aadan, waxana dadaal dheer kadib gacanta lagu dhigey gacan ku dhiigle markii hore dafirey laakiin markii dambe qirtey.


Hadaba aabaha dhalay gacan ku dhiiglaha ayaa sida caadiga ah isku dayin inuu xaqa garab maro oo uu siyabo kale oo qabiil isticmaalo, waxana uu dalbadey markii uu qirtey in waajibka diiniga ah laga maro waa haddii qoyska dhalay gabadha ay sharciga ku qancaan oo ayna qaadan mag.

Waxa naadira in qoyska wax dila ay raacaan shareecada oo inta badan siyaabo badan sameeyaan si ay uga baxsadaan, halka qoyskii wax laga diley ay oohintu ku hadho.


Aabaha gacan u dhiiglahan ayaa la shaqeeyay maamulka, waxana loo direy dadka kale iyo kaabo qabiilada inay diinta u hogaansamaan.

Gabadhan ayaa la sheegay in dilka loo gaystey kadib markii la kufsaday, dhacdooyinka noocana ee ugubka ah ayaan welli la xakamayn.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.