X

Dhalinyartii dhiigmiiratada shabaab ku xasuuqdey Muqdisho oo aaskooda dad wada qiireysan ka qayb galeen

Waxa maanta magaalada Muqdisho gaar ahaan isbitaalka xooga lagu aasay 8 dhalinyaro oo dhiigmiiratada shabaab ku xasuuqeen maqaaxi ay ka cawaynaayeen kadib markii naftii halige ka tirsan nijaasta shabaab uu isku qarxiyay.


Naftii haligaha dhiigmiiratada shabaab ayaa la sheegay inuu ka baxsaday goobta laysku baadho kadibna is qarxiyay. Xilliga is qarxintaas dhacday ayaa ahayd xilli maqaaxida aad loo buuxay. Maqaaxidan ayaa dalbadaa macmacaanada kala duwan.

Waxaan ognahay in dhiigmiiratadu marnaba ku faraxsanayn nolosha dhalinta qurxoon ee aadka u labisan ee waxba galabsan laakiin ay ka xun yihiin nolosha RABI siiyay sidaasna ay ku xalaalaystaan dhiigooda, waana ta dhacda had iyo jeer ayuu yiri Cali Calasow.


Dhiigmiiratada ayaa aad ugu farxa markay xasuuqeen dad FARABADAAN, ayaga xagoodana xasuuqa ay hadda fuliyeen waxba lama ah maadaama sideed keliya dileen.

Waxa aaska dhalintan ka qayb galay dad shacaba oo aad u farabadan oo wada qiireysan ayagoo og in cadowga xasuuqay ayna arkeyn oo uu ku dhexjiro iyo masuuliyiin ka tirsan dawlada iyo ciidanka.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.