X

Aadan Uunsi oo Uhuru shaqada ka eryay

Xildhibaan Aadan Barre Ducaale oo ahaa gudoomiyaha aqlabiyada barlamaanka Kiiniya horena ugu xadgudbey madaxda Somaliya iyo badda dalka ayaa Uhuru xilka ka tuurey. Aadan Barre Ducaale oo loo bixiyay Aadan Uunsi ayaa magacaas kula baxay Kismaayo, asagoo Axmed Madoobe taageersan.


Aadan Barre ayaa waxa nacay xildhibaanada Kiiniya markay arkeen inaanu meelna taageero ka haysan ee uu yahay dabadhilif Kiiniyaati ah, waxayna go’aansadeen inay booska ka tuuraan uu hayay 7-da sanno.


Goobta looga tuurey xilka ayaa waxa joogey madaxweynaha Kiiniya oo hoosta ka qoslaaya rabayna inuu arko dhabarka Aadan Barre Ducaale. Waxa booskiisa lagu bedelay nin Kiiniyaati ah halka Aadan Kaynaan oo Soomaali ah loo magacaabay aqlabiyada barlamaanka xoghaye.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.