X

Sucuudiga oo war ka soo saaray xajka sanadkan

Sucuudiga ayaa war ka soo saaray xajka sanadkan oo markii hore ay sheegeen inay sugayaan in cudurka Kooro hoos u dhaco amaba la waayo xilliga kuleylaha. Sucuudiga ayaa cudurka Kooro kor u sii kacayaa inkastoo aanu sidii hore ahayn.


”Ma joojinayno xajka sanadka waxaanse fursad siinaynaa dadka ajaanibta ah ee ku nool Sucuudiga inay si qoondo ah u gutaan xajka ayaa lagu yiri war saxaafadeed. Tirada dadka ee la ogolaanayo waxay noqonaysaa tirto xadidan si loo yareeyo in cudurku sii faafo.


Ma sheegin tirada saxda ah ee ka imaanaysa ajaanibta degan Sucuudiga oo lagu qiyaasay inay ka badan
yihiin 4 milyan oo u badan wadamada fiqiirka ah ee Koofurta Eeshiya oo tacadiyo badan kala kulma Sucuudiyiinta kibirsan.

Sucuudiga ayaa hore u joojiyay cumrada si loo yareeyo faafida cudurka. Makka ayaa ah goobaha ugu badan ee cudurku ku sii faafayo. Xajka ayaa caadiyan waxa guta in ka badan 1 milyan 900 oo qof.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.