X

Aalada Whatsapp oo soo kordhinaysa fariinta dib loo soo celiyo

Aalada Whatsapp oo soo kordhinaysa fariinta dib loo soo celiyo. Barnaamijka Whatsapp ayaa hadda dadka soo dejistay ay gaarayaan ilaa ku dhawaad 2 bilyan oo qof waxana lagu jeclaaday fariimaha bilaashka ah.

Waxase hadda uu soo kordhinayaa farinta dib loo soo ceshan karo haddii aanad jeclayn in dad badan arkaan ama aad si khalad ugu direy saaxiibada ayaguna ay sii gudbiyeen.



Qofka fariinta aad ka soo ceshatay ayaa waxa uu arkayaa fariin ah in fariintii dib loo ceshadey uuna ceshaday qofkii soo direy. Barnaamijkan ayaa dad badan ka sugayeen Whatsapp.



Warkaan ayaa soo baxaya ayadoo barnaamijka fariin dib u soo ceshiga uu si tijaabo u baxay ayadoo shirkadu ayna ogeyn.

Lama sheegin xilliga si rasmi loo sii deyn doono barnaamijkaasi

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.