Aaska aabaha gudoomiyaha maxkamada ciidanka oo argagixisadu dishey ayaan loo kala harin. Xalay maqribkii kadib ayay ahayd markii argagixisada Shabaab oo aan tukan ay luuq u galeen aabaha gudoomiyaha maxkamada.
Aabaha gudoomiyaha oo aan siyaasad ku jirin ayaa argagixisadu u xasuuqdey aargoosi. Argagixisada ayaan jirin diin xirta iyo caqiido diina oo loogu soo hagaago dilna ku xukuma cidkasta oo diidan fikirkooda diinta ku shaqada lahayn.
Marxuum Cali Nuur Shuute ayaa waxaa aaskiisa ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya Bulshada ku nool badi gobolka Banadir iyo ehelada Marxuumka.
Dhammaan dadkii ka qeybgalay aaska oo qiireysnaa ayaa Eebe uga baryay in uu janadii Fardowso aheyd ka waraabiyo maadaama uu ku baxay gacanta dhiigmiirato xalaashatey dhiiga muslimiinta.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS












Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay