12/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Aaska shahiid C/raxmaan Yariisow oo si weyn looga qaybgalay: SAWIRO

Waxa maanta aas qaran oo si weyn looga soo qaybgalay Muqdisho loogu sameeyay shahiid C/raxmaan Yariisow oo argagixisadu isaga iyo masuuliyiinta gobolka ku xasuuqeen. Adaxda qaranka oo uu ugu horeeyo madaxweynaha iyo dhamaan xukuumada ayaa horkacaayay aaskiisa.



Waxa si weyn loogu duceeyay marxuunma iyo intii kale ee la shahiidey. Marxuunka ayaa dhaawaciisa loo qaaday Qadar halkaas oo lagu guulaysan waayay in la badbaadiyo.

Saaka Waaberigii hore ayaa diyaarad siday waxa ay kasoo degtay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, waxana isla goobta lagu tukaday.



C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS