Abaanduulaha ciidanka Caanood ayaa ku qarxiyay maamulo la shaqeeya argagixisada Shabaab oo ka qayliya xilliga ciidanku guusha keenaan. Jeneraal Caanood Abaanduulaha ciidanka ayaa sheegay inay jiraan xubno u adeegaya Shabaab oo fulinaya danaha argagixisada iyaga oo neceb ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya.
“Maamulka degaanka, Ciidanka idiin yimid waa xoogga dalka Somaliyed, haddii uu idiin yimaado isbaaro ayaa bilaabaneysa ayaa la idin ku dhahay, markii halkaan miinooyinka Shabaab ku aasayeen kama aydaan hadleyn, ciidanka markii ay yimaaden maxaad la qaylinaysaan, waxaan dhihi karnaa shaqsiyaadka isa soo abaabulay waa dad ay wax ku soo shubteen Al Shabaab oo ay dhaheen noo banaanbaxa, marnaba ma ogaalaneyno Shabaab inay dad laayaan oo ciidanka ay dhibaateeyaan.” Ayuu yiri Jeneraal Caanood.
Gobolada Shabeelooyinka ayaa ah gobolada ayna argagixisadu ka dhamaan ee had iyo jeer ay ka dhacaan dilalka qorsheysan ee lagu xasuuqayo dadka Muslimiinta.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS