X

Abaanduulihii hore ee ciidanka qaranka oo Ingiriiska ku geeriyooday

Abaanduulihii hore ee ciidanka qaranka ayaa Ingiriiska ku geeriyooday. Allah u naxariistee Abaanduulihii hore ee Ciidanka Xoogga dalka Gen. Cali Baashi Maxamed Cumar oo ku geeriyooday Dalka Ingiriiska.

Taliyaha S/gaas C/wali Jaamac Gorod, ayaa Alle uga baryey Marxuumka inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo, wuxuuna Eheladiiii, Asxaabti iyo qaraabadii uu ka tagayna Rabbi ugu baryay inuu samir iyo iimaan ballaaran ka siiyo.
Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, ayaa sheegay in Meydka Marxuumka la keenayo magaaladda Muqdisho, si aas Qaran loogu sameeyo.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.