X

Abaar ka dilaacdey deegaano hoostaga degmada Araabi: SAWIRO

Abaar ayaa ka dilaacdey deegaano hoostaga degmada Araabi. Abaartan oo biyo la’aantu ugu weyntahay ayaa inta badan canaantaa dawlada deegaanta inayna waxba ka qaban sida dadka loogu gargaari lahaa ilaa xeedho iyo fandhaal kala dhacaan.


Deegaanada ay saamaysay ee dadkiina xoolaha la carareen waxa ka mida Jabanta, Hufane, Dulbiciid, Cagaarlegad, Quud dheer iyo Sheekh Nabadgelyo. Waxa kale oo degmada Araabi soo gaaray dadkii ka soo qaxay deegaanada ka fog sida Sandalool halka qaarkood kor u dhaafeen.


Maamulka Somali galbeed ayay ku eedeeyeen inayna waxba ka qabanin abaarta jirta oo badankeedu tahay mid dadku keeno sida dhirtii oo la shitey iyo maalgelin aan lagu samayn biyaha iyo baadka.

Dadka ayaa rajaynaya in RABI ka soo gaaro abaartan nimcana ugu bedelo.

Xuquuqda sawirada waxay u dhowran yihiin Maxamed Camash

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.