X

Abaarta gobolada Woqooyi iyo gaajada waxa ugu wacan

Somaliland Abaarta, Sixir-bararka & Haraadka & Gaajada waxa ugu Wacan, Kolkii

Koox yar oo Madaxtooyada ka talisa, Wadankii Wada Xaraasheen, Baarlamaankii

& Guurtidii & Madax Dhaqameedkii Laaluush ku rusheeyaan, si Munaafaqnimo &

Xaaraan & Been ugu Markhaati Furaan, Gacanta ugu taagaan, S/Gaalna ku Durduriyey.

Shicibka Somaliland waxay la daala dhacayaa, Gaajo, Haraad, Abaar & Sixir-barar, hadana waxay moogan yihiin in

Ilaahay Qoomna aan dulayn hadii aanay is dulayn, Shicibku waxay arkayaan ama daawanayaan Madaxweynihii ay

doorteen oo sida caruurta warqad sita, oo waxa wadanka ka jira aan laba socon, Laakiin waxa Kooxda Madaxtooyada

ka talisa u sheegaan ama u soo qoraan rumaysta, wax kale aanse la socon.

Kooxda Madaxtooyada ka talisa waa koox aan Ilaahay ka cabsan, Aduun & Aakhira ka doortay Hanti-Boob, Lacag &

Doollar ay siistaan Wadankii Siduu u dhamaa oo meelna aan dhaafin.

Shicibka Somaliland waxay daawadaan oo aanay ka damqan dhibaatada Xukuumada & Kooxda Rag & Dumarba leh ee

Madaxtooyada ka talisa ay ku baabi,iyeen Sharcigii & Dastuurkii lagu heshiiyey, oo cidhib tireen wixii wadankani ku soo

caana maalay oo ahaa Wadashi, isutanaasul & Isdhegaysi.

Kooxdan Raga & Dumarkaba leh ee adaxtooyada ka talisaa waxay sitaan, Dhiil & Dherigii Fakhriga oo waa kuwaa Dawaro

u dhaqaaqay yaanu ka iibinaa Hantidii Wadanka ee halkay Doollar, Dirham, Riyaal, Gini & Shilinba uuga muuqdo Diyaarado

u raacaya, ee Daasad Fakhriga ku soo guranaya, Waraaqo Faalsa ahna oon saxeex & Sumad toona lahayn hor keenaya Oday

Calooshu shaqayso, oo aan Caqliguba ka guuray oo wax warqada ku qoran aan akhri karayn, Saleebaan Gaalna ku Haysto sidii

Malcaamad oo kale oo ah oo uu Aamus, Bax, Tag & Car Juuqdheh ugu amar ku taagleeya, oo haye Macalin ugu jawaabaya.

Hadaba, Shicibkii Somaliland ee caqliga lahaa, ee Cilmigaa lahaa, ee Waxgaradka lahaa, ee Wadanka Jeclaa, ma waxay iska

Qaban Kari waayeen Siilaanyo & Saleebaan Gaal oo asaasaqay oo Dawo ku nool ah, & Kooxdana Doollark uun arka ee

Dalqada & Caloosha ka hadla ee ku andacoonaya, Dagaalka xutuuyinta qayb baanu ka nahay, ee dhibta ka imanaysa aan u

muuqan ee Calooshooda & Doollar & xaaraantuun uu muuqato, oo Cabsi Ilaahay & Sharcigii Wadanka & Shicibka toona u

tudhayn, Aduun & aakhiraba ilaaway.

Shicibkoow Ilaahay ka baqa oo Dalkiina & Dadkiina ka xoreeya, kooxdan Madaxtooyada ka talisa ee Rag & Dumarba leh

ee Doollar & Dinaar halkay u arkayaanba Diyaarad u raacaya, dalkiina soo xaraashaya, hadii taa lagu daawadana, markay

Badii, Dhulki,, Guryihii, Dekedii, Airportyadii dhameeyaan, waxa xigi Dadka & caruurta, ilayn Iimaankii wuu ka tegey oo

wuxuu noqday Iimaankoodu halkeen Doollar & Lacag ka helnaa.

Wabilaahi Tawfiiq.

admin:

This website uses cookies.