X

Abuur Maraykanku ku soo daayay Somaliya oo beeraha wax u dhimay

Waxa mudooyinkii dambe aad u soo batay beeralayda oo abuurkii ay beeranayeen ka xumaado iyo beerta oo ciidu nafaqo xumaato. Waxase hubaala in waxani nagu soo bateen mudadii burburka ayuu yiri beera qodaale Yuusuf Ramaale.


”Awal waxaan dib u beeran jirnay isla abuurkii aan goosanay weligayana khasaare kalama aanu kulmin, waxana noo go’i jiray qodaal aad u fiican oo aan wax ka iibsano waxna ka quudano ayuu raaciyay Yuusuf Ramaale.


Laakiin intii burburka waxa noo yimi hay’ado ku sheeg Maraykankana oo dib u qaaatay abuurka aan beeran jiray nooguna bedelay mid iyagu wataan, kuna sheegay inuu u adkaysto cudurada ayuu yiri Yusuf Ramaale.

Waxana muuqata inuu ka hadlayo abuurka Maraykanku bedelay ee loo yaqaan GM oo laga bedelay dheecaanadii RABI ugu talogalay, kaas oo sida lagu gartaa ay tahay in shaybaadh la mariyo, ayna dalkana ka jirin dawlad tayo leh.



Midhahaas waxay nagu keeneen nabaad guur iyo tayo xumo wixii noo soo go’i lahaa. ”Waxa muuqata in Maraykanka iyo hay’adaha kale ay si cad ula dagaalamayaan beeralayda si dalku weligii faqri uga bixin ayuu yiri Xirsi Warfaa.

Sida keliya ee loo soo celin karaa abuurkii dalku beeran jiray waa dawlad tayo leh oo dhlata taasina ma muuqato baryahan ayuu qabaa Cali Calasow.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.