X

Maxaa keenay in wadamada Muslimiintu kordhiyaan xiriirka Ruushka

Waxa si aada u kordhay intii Ruushku dagaalka ku qaaday dabadhilifka weyn ee ka taliya Yukrayn ee xasuuqayay dadka Ruushka ah asagoo dabada ku haya Maraykanka iyo kuwa ka agdhow, xiriirka ganacsi ee ka dhexeeya Muslimiinta iyo Ruushka.


Dadka siyaasada indha indheeya ayaa qaba Ruushka oo laga guulaysto dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaan, DAN uguma jirto wadamada Muslimiinta oo badankooda uu burburiyay gaalka weyn ee khaniisnimada faafiya ee Maraykanka ayuu qabaa Xuseen Warsame.

Waxa aad u kordhay xiriirka ganacsi ee wadamada Muslimiinta ugu waaweyn sida Turkiga, Iiraan, Indooniisiya, Maraysiya, Sacuudiga, dhinaca lacagtana wadamada yaryar ee Imaaraadka, Qadar iyo Ciraaq oo dagaal welli ku jirta.


Mudadii dagaalka bilaabmay waxa wadamadaasi aad u iibsadeen maciishada Ruushka ayagoo dhinaca kalana si weyn wax ugu dhoofiya Ruushka siiba Turkiga, Indooniisiya iyo Malaysiya oo ku dhow inay noqdaan wadamada koowaad ee dhinaca ganacsiga la leh Ruushka.

Inkastoo Maraykanka oo hadda dusha ku wata Jarmalka iyo Faransiiska ay isku dayeen inay burburiyaan Ruushka dhaqaale ahaan, haddana waa ku guuldaraysteen, waxana durba soo baxaya in Jarmalka iyo Faransiisku arkeen inay dhaqaale burbur ka qaadeen.


”Runtii wax faaiido kama aanu helin cunaqabataynta aan saarnay Ruushka ayuu yiri xildhibaan u hadlay Jarmalka, waxase faaiidada ugu weyn qaba Maraykanka oo gaaskiisa qiimo qaaliya nooga gada ayuu raaciyay xildhibaanku.



Wadamada Muslimiinta ayaa si hoose u garab  istaagay Ruushka ayna la socdaan wadanka weyn ee Shiinaha iyo weliba Hindiya. Ganacsiga wadamada Muslimiintu hadda la leeyihiin Ruushka ayaa koe u dhaafay 300 oo bilyan mudadii dagaalku bilowday.

Rashid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.