X

Aduunka badankiisa oo ka wareegaya in doolarka wax lagu kala gato

Kadib markii kooxda uu ku doobiyo Maraykanku ay cunaqabtayn ku soo rogeen Ruushka isla markaana xidheen aalado badan oo ganacsigu u maro sida wadahadalka bangiga ayaa aduunka badankiisu hadda ka wareegay inay doolarka wax ku kala iibsadaan.


”Way iska cadahay aduunku markuu arkay waxa dhacaya inaan doolar dambe oo wax lagu kala iibsado uu dhmaaday, wadamadii ay lacagtoodu taalay reer galbeedkana ya hadda la baxayaan keyd damban ak furan karin dalalkaaas ayuu yiri Xuseen Warsame.

Tani waxay dhaqaale burrbur xoogan ku tahay Maraykanka iyo bangiyada ku yaala reer galbeedka dabadhilifka u ah oo lacagtii dalalka u taalay bangiyadooda ku shaqaysan jiray ayuu raaciyay Xuseen Warsame.


Dalal durba bilaabay inay lacagahooda wax ku kala iibsadaan

Wadamada dhaqaaluahoodu aad u soo xoogeysanayo sida Hindiya iyo Ruushka ayaa hadda bilabay inay lacagahooda wax ku kala gataan, tan oo dhabarjab ku ah Maraykanka iyo doolarkiisa.


Sidoo kale Shiinaha iyo Sacuudiga ayaa iyaguna bilaabay qorshaha doolarka looga guurayo oo hadda kadib ku kala iibsan lahaayeen lacagahooda.



Turkiga iyo Ruushka ayaa iyaguna qorshaghas wada gaar ahaan dhinaca dalxiiska iyo saliida. ”Waxa muuqata in doolarku noqday wax hore oo laga guuray ayuu yiri madax ka tirsan nbangiga aduunka oo iyagu ka mid hay’adaha doolarka ku shaqaysta.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.