X

Aduunka oo aad u cambaareeyay dilka madaxii hawlgalada dibeda ee Iiraan

Waxay ahayd saakadii hore xilliga Ciraaq markii xagjir Taram amrey in la dilo madaxa hawlgalada dibeda ee Iiraan ee loo yaqaan Al-Qudus oo marayay meel u dhow madaarka caasimada Ciraaq ee Sadaam Xuseen. Jeneraal Qaasim Suleymaan ayaa booqasho ku joogey dalka.



Waxa lala diley saraakiil Ciraaqiyiina ayadoo la sheegayo in ciidanka Maraykanka ee jooga Ciraaq ay qabteen saraakiil kale oo la socdey. Dilka ayaa waxa fuliyay diyaaradaha aan is wadin.


Dawlada Ciraaq ayaa si kulul u cambaareysay dilka kuna tilmaantey weerar argagixiso. Hogaanka Qaramada Midoobey ayaa ku tilmaamey dilka madaxa hawlgalada dibedda ee Iraan mid aad looga xumaado oo keenaya isku dhac.
Sawirka hoose waa Jeneraal Qaasim Suleymaan

Wasiirka difaaca Iiraan ayaa wacad ku maray in si deg dega loogu aargudo jeneraal Qaasim Suleymaan. Xagjir Taram isagaa ka masuula wixii ka yimaada weerarka argagixisnimo ee uu ku diley shahiid Qaasim Suleymaan ayuu yiri wasirka arimha dibeda ee Iiraan.



Turkiga iyo Bakistaan

Wey diideen inay cambaareeyaan cabsi darteed iyo weliba farogelin ay iyaga laftoodu ku hayaan jaarkooda, weerarka argagixisnimo waxayse sheegeen inay ka walaacsan yihiin.

Waxay ku baaqeen in la ixtiraamo qaranimada dalka Ciraaq ee weerarkan Maraykaku ka fuliyay. Waxay codsadeen in qaramada midoobey soo dhexgasho.

Faransiiska



Waxaan subaxdan ku toosney war aan u foolxun oo khatar ku ah aduunka, waxa hadda socda waa aargudasho iimana muuqdo inay jirto cid qavboojin kartaa.

Ruushka


Waxaan aad u cambaareynaynaa falka guracan ee Maraykanku kor ugu qaaday xaalada bariga dhexe ee markii horeba kacsanayd. Waana qalad dhirbaaxo ku dhifan kara Maraykanka.

Maraykanka

Xubno ka mida xildhibaanada Maraykanka ayaa cambaareeyay weerarka kuna tilmaamey mid xagjir Taram rabo inuu kaga baxsado arimaha gudaha, waxase muuqata inuu khatar geliyay xubin kasta oo Maraykana.

Su’aasha ugu weyn ee la is weydiinayo ayaa ah yaa u sheegay Maraykanka in Qaasim Suleymaan ku sugan yahay madaarka Sadaam Xuseen ee Ciraaq.


Haddaba Qaasim Suleymaan maxaa lagu xasuustaa

Wuxuu ahaa madaxii hawlgalada dibedda ee dawlada Iiraan, waxana lagu xasuustaa dagaalkii ciidanka uu soo aruuriyay la galeen wahaabiyadii Sucuudiga iyo Qadar ka dambeeyeen ee Suuriya iyo weliba xoreyntii deegaano badan oo ay leeyihiin Sunniga Ciraaq.

Si kastaba ha ahaatee waxa la sugaa waxa xiga iyo talaabada ay qado Iiraan.

 

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.