X

Afar Gabdhood oo baalashle (Caseeye) ah oo aan la sheekeystey

Afar Gabdhood oo baalashle ah oo aan la sheekeystey. Waa afar Gabdhood oo da’doodu ay aad isugu dhow dahay waxaa Go’aansadey inta Dhulka u Fariisto aan la sheekeysto waxaan weydiiyey Su’aal ahayd Magaalada ma Joogteen maadaama ay Saakey igu cusbaayeen ?


Mid baa markiiba la soo boodey “ Adeer Magaalada Marka ka soo qaxney gaar ahaan Xaafadda Ceel Bashiirow” Waan gartey waxaa u sii raaciyey midba maxuu si gaar ah ugu Qaraaban waayey Calashaan Shaqada Baalashnimada waa adinka afar iskula socda? “ Adeerow Yaakheey Magaaladaan miyaa Keli Keli la socdaa Calaa ku Xaal waa is Weheshanaa.


Afartood waxa ka dhaxeeye Hal Baalshle waxaan sidaa u sameeyeen in aan dadka Howsha u dedejiyaan, sidaa Darteed Midba Howl gaar ah ayey qabaneysaa Tusaale hadii Hal joog oo kabaha ah la helo Laba ka mid min Hal Kab bay Caseynayaan

Labada kalena waxay u Taagan yihiin in ay Kabaha Dhalaaliyaan waxaa ka sii yaab badan mid baa Lacagta u arurineysa ka dibna Casirkii bay qabsan

Inkastoo aysan Howshaan Gabar Intaa le’eg ku Wanaagsaneyn hadana Danta ayaa ku Kaliftey in ay sidaa ku shaqeystaan maadaama ay ka soo Barakaceen Deegaankoodii ayna yimaadeen Deegaan aysan aqoon sidaa darteed Soomaalidu waxay tiraahdaa “Hadba sida ay Dantu kuu qabto ayaa loo Howlgalaa Ilaahow Danyar iyo Dacasley u kaalmeey

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.