X

Xildhibaanada Somaliya oo markii ugu horeysay ka doodey ninkii la gubey

Xildhibaanada Somaliya ayaa markii ugu horeysay ka doodey ninkii la gubey. Qaar ka mid ah Xildhibaanada ayaa waxa ay sheegeen in loo baahan yahay in Caddaaladda la horkeeno Cidii ka dambeysay Falkaasi oo ay si weyn uga naxeen Bulshadda Soomaaliyeed.


Xildhibaan Maxamed Nuur Iftin oo ka mid ah ayaa yiri  “Maxaa naloo dilaa, maxaa naloo dhacaa, maxaa naloo kufsanaa haddii aan nahay Jareer, dadka ayaan la mid nahay, oo diinta ayaa na walaaleysay! Haddii Guurka Jareer la isku dilaa, waxaan leeyahay idinku is guursada gabdho qurxoon waa inaga buuxaane.”

Xildhibaan C/naasir Siciid Muuse ayaa soo jeediyay in boqol dollar xildhibaanadu iska jaraan si loogu caawiyo qoyska uu ka dhintay ninkii la gubay.


Inkastoo la qabtey dadkii falkaas gaystey waxase jira in inta badan jufooyinku diidaan in sharciga la mariyo. Axmed Dawlo ayaa loo gubey maadaama uu wiilkiisa ka ceshan waayay gabadh kuwa diley dhaleen.

Waa foolxumadii ugu xumeyd oo Muqdisho ka dhacda.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.