Afarta kursi ee maanta la doortay ayaa labo ka mid ah ay ahaayeen Haween, halka labada kalena ay ahaayeen Rag, sidoo kale labo xildhibaan ayaa ku cusbaa.
Kursiga Beesha Sacad Muuse, Jilibka Cabdalla Obokor ayaa waxaa 38 cod ku guuleysatay Sahra Yuusuf Cige.
Sidoo kale Kursiga Beesha Ciise Muuse, gaar ahana jilibka Aadan Ciise ayaa waxaa 47 cod ku soo baxay Faadumo Odawaa Raagge
Kursiga Beesha Sacad Muuse, gaar ahaan jilibka Makaahiil , waxaa 36 cod ku guuleystay C/raxmaan Iidaan Yoonis, waxaana kursigan ku tartamay afar musharax oo mid ay aheyd haweeney.
Cabdalla Xaaji Cali ayaa 31 cod ku guuleystay Kursiga Beesha Ciise Muuse, gaar ahaan Jilibka Maxamed Ciise.
Doorashada xubnaha Aqalka Hoose ee Gobolada Waqooyi ayaa heer gabo gabo ah maraya, waxaana illaa iyo hada la doortay 33 Xildhibaan, halka 13 ay harsan yihiin.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS