Wararka aan ka helayni deegaan u dhow magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galguduud ayaa sheegaya dil foolxun oo ka dhacay halkaas. Waxa deegaan la yiraa Diin-waris lagu diley afar qof oo ka ganacsada beerista shinidda sida dadka deegaanku ku waramay.
Wararka qaar ayaa waxaa ay sheegayaan in Afarta qof ee la dilay ay kasoo jeedaan deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed, isla markaana loo dilay falal la xiriira aanooyin qabiil.
Meydka Afarta qof ayaa la sheegay in loo soo qaaday dhinaca Caasimadda dhuusamareeb. Ma jiro cid si rasmiya u og waxa keenay dilkaas iyada oo Maamulka Galmudug uu wado baritaano ku aadan dadkii ka dambeeyay.
Dhiigmiiratada dilka fulisay ayaa ka xun sida dadka qaar qabaan nolosha dadkaas ka ganacsanaayay beerashada shinida oo ku yar deegaankaas.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay