X

Afhayeenkii gobolka Banaadir oo xoriyadiisa dib u helay muxuuse u kacay

Afhayeenkii gobolka Banaadir ayaa xoriyadiisa dib u helay. C/fataax Cumar Xalane ayaa ku jirey xabsi guri mudo shan afar maalmooda. C/fataax ayaa ah sarkaal ka tirsan nabasugida.



Xariga C/fataax Xalane ayaa waxa ay saraakiisha NISA qaarkood ku sheegeen in ay tahay arrimo ku saabsan shir jaraa’id oo uu habeenkii Sabtida qabtay.

Shirka jaraaid oo ahaa mid aan dastuur ahayn ayaa uu ku sheegay in gudoomiyihii gobolka Banaadir laba sano loo doortey, doorashadaas oo bug ahayd.



Warar soo baxaya ayaa sheegaya dadaal kala duwan oo Saraakiil ka tirsan Nabad Suggida Soomaaliya ay sameeyeen ugu dambeyn in xoriyada dhaq dhaqaaqiisa dib loogu soo celiyay Xalane.

Gudoomiyihii gobolka Banaadir ayaa xilkiisa ku waayay arinta sharci darada ee uu ku dhawaaqay.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.