X

Guul ma ku dhamaadey safarkii madaxweynaha ee gobolada Puntland iyo Galmudug

Guul ma ku dhamaadey safarkii madaxweynaha ee gobolada Puntland iyo Galmudug. Socdaalkan oo qaatey 17 cisho ayaa laysku raacay inuu ka duwanaa socdaaladii ay samayn jireen kuwii ka horeeyay.



Labada maamul ee Puntland iyo Galmudug ayaa si aad ah uga diyaar garoobay soo dhaweynta Madaxweynaha waxaana maamul walba uu ku xisaabtamayay inuu noqdo maamulka qaato kaalinta soo dhaweynta.

Wasiiro, xildhibaano, ka kala tirsan dawladda dhexe oo ka soo kala jeeda Puntland iyo Galmudug iyo kuwa maamulada ayaa ka qeyb qaadanayay soo dhaweynta Madaxweynaha.



Sidoo kale dadweyne aad u fara badan oo Puntland iyo Galmdudug ka soo kala jeeda ayaa Madaxweynaha ku soo dhaweeyay dhammaan degaanada uu booqashada ku tagay.

Shacabka Farmaajo soo dhaweynayay inta badan waxa ay wateen sawirka Calanka Soomaaliya iyo sawirka Madaxweynaha

Madaxweynaha ayaa inta uu booqashadiisa ku guda jiray waxaa qado sharaf iyo casho sharaf loogu sameynayay beeraha iyo meelaha jawigooda degan yahay.

 Iyada labada maamul ay gudoonsiiyeen Madaxweynaha abaalmarino kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Faras, Geel lagu xardhay Calanka Soomaaliya iyo waliba dharka dhaqanka Soomaaliyeed.



Madaxweynaha ayaa dhagax dhigey mashaariic farabadan labada maamulba taas oo dhiirigelin u ah lana geli doono sidii wax loogu dari lahaa ama loo dhamaystiri lahaa laakiin inta badan ay tahay in dadku wax dhisan karaan.

Sidoo kale waxa madaxweynuhu ku guuleystay xalinta muranada qabaailada degan Galmudug.

Guud ahaan socdaalkii madaxweynaha ayaa wax badan ka bedelay sida dadku u arkaan dalkooda iyo in dhul aad u badan nabad yahay kana caagan yahay kooxda gaalaynta Muslimiinta ee Shabaab.



Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa shalay gelinkii dambe dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho wuxuuna safarkiisa la xiriiray Nabadda iyo Dib u heshiisiinta.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

 


admin:

This website uses cookies.