November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Afrika waa in ay Madaxweyne Bashir ka difaacdaa reer galbeedka iyo gumeysigii foosha xumaa: hadalkii halgamaa Julies Malema

Johenisberg–Halgamaa Julies Malema oo madax ka ah ururka dhaqaale u dirirka ee dalkaasi Koofur Afrika ayaa Afrika u sheegay in ay madaxdeeda ka difaacato reer galbeedka iyo gumeysigii foosha xumaa oo wali amar bixinaya. Hadalka halgamaaga ayaa imanaya iyadoo maxkamad ay tiri waa in la joojiyaa bixida madaxweynaha Suudaan Cumar Al-Bashiir.

Warar ayaa sheegaya in madaxweyne Bashir uuna joogin dalka oo uu u dib ugu noqdey dalkiisa inkastoo warkaasi aan la xaqiijin Karin oo ay qortey wargeyska Bloomberg ee laga leeyahay Maraykanka.

”Wuxuu yiri midowga Afrika waa inay cadaadis saartaa madaxweynaha Koofur Afrika Jacob Zuma..midowga Afrika waa in ay difaacdaan madaxweyne Bashiir kana difaacaan reer galbeedka iyo gumeysigii foosha xumaa oo Koofur Afrika u isticmaalaya in uu ku fushado dantiisa”.

”Wuxuu ku daray Koofur Afrika ma qaban karto madaxweyne Bashiir waayo madaxweynuhu dalxiis maaha mana booqanayo Koofur Afrika wuxuu soo booqdey midowga Afrika..markaasi Koofur Afrika uma iman sidaas darteedna midowga Afrika waa in ay tiraa ku qabanmaysid MAGACAYA iyo kulankayaga ayuu ku daray halgamaa Julies Malema”.

Wuxuu ugu dambeyn yiri difaaca Bashiir maaha in aan ku difaacayno dambiyada la sheegayo waxaanse ku difaacaynaa waxa amarku ka imanayaa gumeysigii foosha xumaa iyo reer galbeedka taasina waxay ka soo horjeeda kacdoonadii aan soo galney mana yeelayno..marka aan difaacno Bashiir oo hadda diciif ah kadibna aan la fuulno xerada wadamadeena si aan u ogaano waxa jira.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS.COM