X

Hadhaagii TPLF oo oohin la fadhiya baraha bulshada colaadna raba inay dhexdhigaa Somalida iyo

Waxa maalmahan dambe agoontii TPLF baraha bulshada ku qoraan nacayb ay u qabaan dalkaasi aan walaalaha nahay ee Eritariya oo intii tabartooda ah garab taagnaa shacabka Somaliyeed qaasatan markii Tigreegu xasuuqayay shacabka Somaliyeed.

Haddaba maxaan ka ognahay xiriirka Eritariya iyo Somaliya

Eritariya waxay gacanta Tigreega ka hoos baxday 1993 kadib markii afti laga qaaday, waxana taageerada ugu weyn halgankeeda ka heshay dawladii dhexe ee Somaliya.

Marnaba ma dhicin in shacabak Eritariya iyo kuwa Somaliya isku dhacaan waayo labaduba waxay ku dhamadeen gacantii Tigreega ee reer galbeedku taageeri jireen. Waxaad is weydiin kartaa maxay oohinta dabadhilifyada Tigreegu welli wadaan.

Dawlada Eritariya marnaba colaad u qaadi mayso Somaliya inay walaal ka dhigato mooyee waana ta keentay in dadkii dulmanaa halmar ay eryadaan Tigreegii duliga ahaa ayuu yiri Cali Calasow.

Kuwa Tigreega u oynaya waxaan leehay yayna idin maqlin agoontii Tigreega ka hadhay.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.