X

Duqa degmada Boorama Saleebaan ( Caseeye) oo hooyooyin ka burburiyay

Duqa degmada Boorama Saleebaan Xasan Xaddi (Caseeye) ayaa cagaf geliyay hangarkii caanka ahaa ee magaalada halkaas oo ku ganacsan jireen hooyooyin danyara, Hangarka waxa dhistey dawladii dhexe ee qaranka sanadihii sideetamaadkii.


Dhawaan ayay ahayd markii hooyooyinkii ku ganacsan jirey halkaas ay saxaafada u sheegeen inuu gadanayo hangarka guryahana ka dhisayo. ”Hadda waakaas waad ujeedaan cagaf ayaa naloo keenay saaka ayay tiri hooyo iyadu danyara oo ku ganacsan jirtey goobta.

Duqa degmada Saleebaan (Caseeye) ayaa warbaahinta u sheegay in goobta dib loo dhisayo kadibna iyadoo qurxoon dib looga kireyn doono dadkii markii horeba ka ganacsan jirey waa siduu hadalka u dhigee.


Si kastaba ha ahaatee hooyooynka ka ganacsan jirey ayaa hadda haysan meel ay fadhiistaan. Duqa degmada ayaa hore u caseeyay degmada intaan xukunka lagu wareejin inkastoo kii lagu wareejay uu ka sii darnaa.

Boorama ayaa noqon lahayd magaalo ka dhex muuqata magaalooyinka dalka Somaliya waxase ragaadiyay maamul xumo, ayadoo lacagta cashuurta badankeeda loo qaato Hargeysa.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.