X

Ahlu Sunna oo sheegtay inuu burburey heshiiskii dawlada

Ururka Ahlu Sunna ee aadka ugu xoogan gobolada dhexe ayaa war Ka soo saaray heshiis ay la galeen dawlada dhexe oo hadda ay sheegeen inuu burburey. Waxa shalay ilaa maanta Dhuusamareeb imaanaayay ciidan Ka socda dawlada dhexe iyo kuwa Amisom.



Ahlu Sunna ayaa sheegtay in dawladu Ka baxdey heshiis ay la gashay ayadoo ciidamo Ahlu Sunna loo qaaday tababar Muqdisho.

Ururka ayaa Ka daacada la dagaalanma argagixisada waxayna dawlada ku eedaysay inay Galmudug keentay askar argagixiso ah oo qalqal gelisay amniga Ka jirey gobolka.



Waxa jira heshiis dhexmaray dawlada iyo Ahlu sunna waxase muuqata in labada dhinaca sugi Kari la’yihiin xilliga ay fulin karaan heshiiska ayuu qabaa Cali Calasow.



Waxaan qabaa in gobolka lo daayo amnigiisa intii la helayno ciidan la dagaalanma argagixisada. Waxayna ku qotontaa qaybta Ahlu Sunna ku leedahay amniga Galmudug.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.