Maamulka Ahlu Sunna Waljameeca ee kataliya qeybo kamid gobolada dhaxe ee Soomaaliya ayaa shalay xukun dil ah waxa ay ku fuliyeen nin lagu eedeeyay in uu dil u geestay sargaal katirsanaa Maamulka Ahlu Sunna.
Maxkamad ay leeyihiin maamulka Ahlu Sunna ayaa horey xukun dil ah ugu riday Maxamed Cabdullaahi Faarax, waxaana shalay xukunkaasi dilka ah lagula fuliyay fagaare kuyaala magaalada Guriceel.
Fagaaraha uu ka dhacayay dilka waxaa ku sugnaa masuuliyiin iyo saraakiil katirsan Kooxda Ahlu Sunna kuwaa oo daawanayay sida uu u dhacayay xukunka dilka ah ee lagu fulinayay ninkan horey dilka ugu geestay Feysal Goobe oo ka mid ahaa Saraakiisha Ahlusuna .
Xukunka dilka ah inta aanan lagu fulin Maxamed Cabdullaahi Faarax ayaa loo ogolaaday in uu dukado labo rakcadood oo sunno ah, waxaana lagu fuliyay xukun dil ah marka uu dukaday salaada Sunnada ah.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS


More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay