Waxaa Magaalada Cadaado kulan ku yeeshay Guddiga Farsamada Maamul u sameynta Gobolada Dhaxe iyo Odayaasha dhaqanka ee ku hareesan Xarunta Kafaalo kuwaa oo matalaya beelaha Dega Gobolada Galgaduud iyo Mudug.
Odayaasha Beelaha Dega Gobolada Dhaxe ayaa loo qeybiyay foomamka la doonayo in ay kusoo buuxiyaan Xildhibaanada Beelahooda umatalaya Baarlamaanka uu yeelanayo Maamulka Gobolada Dhaxe ee Soomaaliya.
Baarlamaanka Maamulka Gobolada Dhaxe yeelanayo ayaa ka koobnaan doona 78-Xildhibaan waxaana loo qeybiyay beelaha Dega Gobolada Dhaxe, waxaana Xusid mudan in beel kamid ah Beelaha Dega Gobolada Dhaxe aysan Shirka ka qeyb galayn beeshaas oo ah Shiikhaal.
Halkan ka Aqriso sida Beelaha Dega Gobolada Dhexe loogu qeybiyay Xildhibaanada Baarlamaanka
1-Beesha Hawiye 50
2-Beesha Mareexaan 14-Xildhibaan
3-Beesha Dir 8 Xildhibaan
4-Beesha Shiikhaal 3-Xildhibaan (Shirka ma joogaan)
5-Beesha Shanaad 3-Xildhibaan
Odayaasha Dhaqanka ee matalaya Beelaha Dega Gobolada Dhaxe ayaa laga codsaday in ay si deg deg ah usoo gudbiyaan liiska Xildhibaanada Baarlamaanka u matalaya beeshooda, waxaana la filayaa in Baarlamaanka marka lasoo dhiso ay doortaan Madaxweynaha Maamulka Gobolada Dhaxe.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS.COM
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay