X

Allaha u naxariistee fanaanad ka tirsanayd kooxdii Waaberi oo Muqdisho ku geeriyootay

Waxa shalay maqribkii ku geeriyooday magaalada Muqdiso fanaanada Marwo Cabdi Axmed oo ka tirsanayd kooxdii Waaberi. Maareeyaha tiyaatarka muqdisho Cabdi Dhuux Yuusuf ayaa sheegay in fanaanada oo lagu yaqaanay heeso caan baxay oo ay ku jiraan kuwo iyadu leedahay iyo kuwo ay la qaado fanaaniin kale ay maqribkii ku geeriyootey Fiyoorihii hore.

Fanaanada ayaa la sheegay in Xanuun Deg Deg ah oo ku soo booday ay u dhimatay. Maareeyaha Tiyaatarka Cabdi Dhuux Yuusuf Xasan ayaa sheegay Geeri deg deg ah ay ku timid Marwo Cabdi Axmed. Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Abwaanada Soomaaliyeed Maxamuud C/llaahi Ciise Sangub ayaa noo sheegay in wax badan uu ka yaqaanay Taariiqda Rabi ha u raxmadee Marwo Cabdi.

Marwo Cabdi ayaa Riwaayadihii ay Caanka ku aheyd waxaa ka mid ah Riwaayadii Waa Maadeys Adduunyadu Dadkuna waa matalayaan oo uu sameeyay Abwaan Sangub.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.