X

Koox la magaca argagixisada shabaab oo Sucuudiga ka dhisan oo goolhayahooda timaha looga jaray garoonka: SAWIRO

Koox la magaca argagixisada shabaab oo ka dhisan dalkaasi argagixisada taageera ee Sucuudiga ayaa goolhayaha timaha looga jaray garoonka dhexdiisa kadib markii lagu qabsaday sida tinta uu u soo jartey. Sucuudiga ayaa laga fuliyaa falalka argagixisada caalamka waana halka ay ka soo qaateen naqshada la eegayo sida dadku u labistaan.

Goolhayahan oo lagu magacaabo Waliid Cabdalla ayaa u ciyaara xulka qaranKooxda Kubada Cagta ee Al-Shabaab Waliid Cabdalla ayaa lagu amray in uu tinta iska jaro isaga oo garoonka jooga xili aysan bilaaban ciyaar kooxdiisa ay ciyaareysay oo katirsan Horyaalka dalkaasi, waxaana la arkayay Ciyaaryahanka oo garoonka dhaxdiisa looga jarayo tinta.

Goolhayan aya u muuqda in timahiisa ayna waxba ka qaldanayn laakiin ay u cuntami waydey carabta Sucuudiga oo fuliya dhaqamo u gaara iyaga. Sucuudiga ayaa saxiib dhow la ah Yuhuuda waxay ku heshiiyaan la dagaalanka dal Islaama.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

 

 

 

admin:

This website uses cookies.