Farshaxanka Amiin Caamir oo isagu gacantiisa ku muujiya sidey ula muuqato siyaasada dalka ayaa magac cusub u bixiyay xisbi la shegay inay madal yeesheen oo ay horkacayaan labada fadhiid ee Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif.
Amiin Caamir ayaa Sawirka Xisbigan ugu bixiyey [XISBIGA BADAR IYO BEESO] Wuxuuna ku sifeeyay Bahalo ku Bahoobay inay Boobaan dalka.
Amiin caamir ayaa sheegay inuu Xisabigan kasoo horjeedo “Wadaniyadda, Wadashaqaynta, Cadaaladda, Midnimada, Astaanta Qaranka, Sharafta iyo Karaamada”.
Taas Bedelkeeda Wuxuu Sawirka ku sheegay in Xisbigan uu dhiiri gelinayo “Musuqmaasuqa, Shisheeye Kalkaalka, Xaraashka Dalka Bad iyo dhul, Qabyaaladda, Qabiilka, Fowdada, iyo Cadyahow ku Cunay ama ku Ciideeyay”.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS