X

Faarax Macalin oo difaacay talaabada ciidanka xoogu ka qaaday Baladxaawo

Uhuru ayaa qoraal uu soo saaray Arbacadii ku yiri “ciidamada xoogga dalka Soomaaliya waxay xadgudub ku sameeyeen madax-banaanida iyo sharafta dhuleed ee Kiiniya 2-dii March 2020. Ciidanka xooga dalka ayaa eryaday maleeshiyo jufeed baxsad ah oo Kiiniya soo hubeysay si ay ugu gorgortanto badda una fushato danaheeda.


Hase yeeshee Faarax Macallin ayaa sheegay in Uhuru uu leeyahay sabab kasta oo Mandheera uu weerar uga yimaado ciidamada Soomaaliya, maadaama uu marti-geliyey “hoggaamiye kooxeed baxsad ah” oo halkaas weerar kasoo qaadaya ayuu yiri Faarax Macalin.


“Kiiniya waxay hubeeneysaa hoggaamiye kooxeed baxsad ah, kadibna waxay hoggaamiye kooxeedkaas u ogolaaneysaa inuu gudaha dalka Kiiniya ka soo weeraro Soomaaliya isaga oo ku gabanaya hoobiyeyaasha Kiiniya.

Markii ay Ciidamada Qaranka Soomaaliya is-difaacaanna, oo ay rasaas ugu jawaabaan, Uhuru waxa uu ku cabaadayaa in Soomaaliya ay soo weerartay dhulka Kiiniya. Allaha na bad-baadiyo,” ayuu ydihi Faarax Macallin.


Kiiniya ayaa hadda qorsheynaysa sidii ay Jubooyinka ciidamo farabadan u keeni lahayd hubkana uGu wareejin lahayd maleeshiyada Axmed Madoobe.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.