November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Amisom oo cadeeyay dagaal argagixisadu ku soo qaaday deegaanka Halgan

Ciidamada nabad ilaalinta Somaliya ee Amisom ayaa cadeeyay in argagixisadu saaka weerar ku soo qaaday deegaanka Halgan ee ka tirsan gobolka Hiiraan. Amisom ayaa sheegtay in weerarkaasi ay argagixisada kaga qabsadeen hub kala duwan hadana la baacsanayo.

Deegaanka Halgan ayaa waxa xarun ku leh ciidamada Amisom iyo kuwa dawlada Somaliya mana aha goob si dhib yar lagu gaadi karo maadaama weerarada argagixisada uu u badan yahay gaadmo.

Amisom ayaa sheegay in ay soo bandhigi doonaan hubka argagixisadu ka carartey oo u badan kuwii ay ku qabsadeen dagaalkii ay ciidanka KIINIYA ku qaadeen.

C/llaahi WArmooge

ARAABINEWS