X

Amisom oo jawaab ka bixisay weerarkii Kiiniya ka fulisay gobolka Gedo

Kadib markii dawlada Somaliya dacwad ka gudbisay weerarkii qaawanaa ee diyaaradaha Kiiniya ku dileen qoysas Soomaali ah tuulooyin hoostaga gobolka Gedo ayaa Amisom jawaab ka bixisay.


Qoraal ka soo baxay Amisom ayaa lagu sheegay in mid ka mida dawladaha ciidamada ay ka joogaan Somaliya ay qaadeen weerar ka baxsan wixii loogu talogalay ee ay ku joogeen dalka.

” Waxaan iska xirsaarney inaan si daahfuran u baarno weerarkaa ay qaadeen mid ka mida dawladaha ku jooga magaca Amisom ayaa lagu yiri qoraalka.


Dadka Somaliyeed ayaa dalbanaya in Afrikaanka laga saaro dalka. Kiiniya oo aan ka mid ahayn ciidamada Amisom ayaa markii dambe lagu soo daray kadib markii uu codsaday Maraykanku.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.