09/01/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Amisom oo ku dhaqaaqdey arin ka farxiswey ciidanka xooga oo argagixisadu hog u qodey

Amisom oo ku dhaqaaqdey arin ka farxiswey ciidanka xooga oo argagixisadu hog u qodey. Ciidamo katirsan kuwa Amisom ayaa si lama filaan ah ku bad baadiyay ciidamo kale oo katirsan dowladda Soomaaliya xili ay maqaayad ku caweynayeen.

Amisom ayaa ka war heshay in maqaayad ku taal deegaanka Lafoole lagu aasay ilaa afar Bambo lana doonayay in lagu laayo ciidamada dowladda iyo shacabkii ku sugnaa maqaayadaas.

Intaas kadib ciidamada Amisom ayaa yimid maqaayada oo ay jaad ku cunayeen ciidamda dowladda kadibna waxaa ay ku amreen iney bixiyaan.

Mid kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in Amisom ay ku guuleysteen iney maqaayada kasoo saaraan afar Bambo kadibna ay qarxiyaan.

Falkan ay ciidamada Amisom ku bad baadiyeen ciidamada dowladda iyo dadkii ka agdhawaa ayaa ah kii ugu wanaagsanaa ee ay mudooyinkan ka sameeyaan deegaanadda SH/Hoose gaar ahaan Lafoole.

Maqaayadaha laga shaaheeyo ayaa ah goobaha lagu dilo ciidamada dawlada maadaama ay bambooyinka aasaan isla kuwa leh maqaayadaha.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS